4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 28, 2020
Golaha wakiillada Somaliland oo ansixiyay xubno mucaaradka ku matalaya guddiga doorashada
 

Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Xildhibaannada Golaha wakiillada Somaliland ayaa waxay saakay yeesheen kulankoodii caadiga ahaa iyagoo meel mariyay laba xubnood oo mucaaradka Somaliland usoo magacaabeen in lagu daro komishanka doorashooyinka madaxa bannaan, xubnahaas oo ay horay u diideen in ay ansixiyaan.

Maxamed Saciid Dalmar oo uu Xisbiga Ucid soo magacaabay ayaa saaka hortagay Golaha wakiillada, waxaana codkooda siiyay guud ahaan 51 mudane oo madasha fadhiyay, halka Cabdifataax Ibraahim Shiikh oo ka socday Xisbiga Waddani xildhibaanna gaaraya 49 mudane ay u codeeyaan, ma jirin cid diidday , laakiin  waxaa ka aamusay 2 mudane.

Bishii Maarso ayaa waxa uu aqalkaan diiday meel marinta xubnaha uu maanta ansixiyay , hase-ahaatee maanta ayeey mar kale ansixiyeen.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]