Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa
wax laga xumaado ku tilmaamay in mid kamid ah maamul goboleedka Soomaaliya
uu ku hanjabo haddii aan la joojin fadhiyada barlamaanka in aysan kasoo
qeyb galidoonin shirka iskaashiga doorashada ee Muqdisho ka dhacaya Julay.
“Mid
kamid ah state-yada ayaa soo qoray hadii madaxweyne Farmaajo uu joojin
waayo fadhiyada barlamaanka in aysan shirka imaandoonin, bal luuqadaas
hala fasiro,” ayuu yidhi guddoomiyaha barlamaanka.
Guddoomiyaha
waxa uu sheegay barlamaanku inuu haysto shaqadiisa dastuuriga ah
islamarkaana uusaan jirin awood madaxweyne Farmaajo ku joojin karo ama
uu wax kaga bedeli karo fadhiyada guud ee golaha shacabka.
Hadalka
guddoomiyaha barlamaanka ayaa kusoo aadaya, kadib markii dhawaan dowlad
goboleedyada Puntland uu sheegay in uusan aqoonsanaandoonin sharciyada
uu meel mariyay iyo kuwa hadda horyaala barlamaanka Soomaaliya.