4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2020
Guddoonka barlamaanka Soomaaliya oo wax laga xumaado ku tilmaamay hadal kasoo yeeray mid kamid ah maamul goboleedyada
 

Axad, Juun 28, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha barlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Cabdiraxmaan, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in mid kamid ah maamul goboleedka Soomaaliya uu ku hanjabo haddii aan la joojin fadhiyada barlamaanka in aysan kasoo qeyb galidoonin shirka iskaashiga doorashada ee Muqdisho ka dhacaya Julay.

“Mid kamid ah state-yada ayaa soo qoray hadii madaxweyne Farmaajo uu joojin waayo fadhiyada barlamaanka in aysan shirka imaandoonin, bal luuqadaas hala fasiro,” ayuu yidhi guddoomiyaha barlamaanka.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay barlamaanku inuu haysto shaqadiisa dastuuriga ah islamarkaana uusaan jirin awood madaxweyne Farmaajo ku joojin karo ama uu wax kaga bedeli karo fadhiyada guud ee golaha shacabka.

Hadalka guddoomiyaha barlamaanka ayaa kusoo aadaya, kadib markii dhawaan dowlad goboleedyada Puntland uu sheegay in uusan aqoonsanaandoonin sharciyada uu meel mariyay iyo kuwa hadda horyaala barlamaanka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]