4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 27, 2020
Xaliimo Yarey “ Waqti xaadirkaan Soomaaliya kama qaban karno doorasho qof iyo cod ah , waxaan u baahannahay waqto dheeraad ah”
 

Sabti, Juun 27, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil “Xaliimo Yarey” oo maanta hor-tagtay Aqalka hoose ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in aan dalka hadda laga qaban Karin doorasho qof iyo cod ah sidaasi darteed uu Guddiga doorashada u baahanyahay in la siiyo waqti dheeraad ah.

Waxay tilmaantay in ay u baahanyihiin 13 bil oo dheeraad ah oo ka billaabaneysa Bisha July sanadkaan 2020-ka , kuna eg’ Agosto 2021-ka .

“Suura-gal maaha markii aan eegno waaqiciga maanta in Soomaaliya ay ka qabsoonto doorasho qof iyo cod ah oo waqtigeeda ku dhacda” ayey Xaliima Yarey ka hor sheegtay Baarlamanka Soomaaliya

“waxaan u baahnahay 13 bilood gudahood oo ka bilaabanaysa July 2020-ka kuna dhamaanaysa August 2021-ka” ayeey mar kale sheegtay.

Guddiga madax-bannaan ee doorashooyinka Qaranka Jamhuuriyadda Faderaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay sheegtay in ay in uu la kulmay caqabado ay kamid yihiin Dowlad Goboleedyada, ammaanka iyo arrimo dhaqaale la xiriira sida ay hadalka u dhigtay.

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil ayaa horay ugu adkeysan jirtay in dalka laga qaban karo doorasho qof iyo cod ah, taas oo ay dhaliilsanaayeen sida ay u suura-geli karto xubno kamid ah saamileyda siyaasadda oo ay qeyb ka yihiin axsaab badan oo mucaarad ah, kuwaas oo ka digayay in la sameeyo muddo korarsi.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]