4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2020
Kulan dhaqaale loogu ururinayey Isbitaalka guud ee Laascaanood oo ka dhacay hotel Safaari


Jimco, Juun 26, 2020 (HOL) - Kulankan oo looga gol lahaa sidii gaadiidka gargaarka degdega ah loogu iibin lahaa isbitaalka Laascaanood ayaa waxaa ka soo qayb galay inta badan ganacsatada, Shirkadaha, masuuliyiin iyo waxgaradba ayaa halkaasi lagaga dhawaaqay dhaqaale iyo gaadiidba.

Kulankan oo ay soo qaban qaabiyeen gudiga taakulaynta caafimaadka ayaa waxay ka warbixiyeen sababta kulankan keentay oo ay ku sheegeen markii la wayey Ambalaas qalabkeedu u dhanyahay, taas oo mudooyinkii la soo dhaafay hadal haynteedu qabsatay baraha Bulshada.

Masuulka shirkada Dahabshiil Cabdiqani Aw Daahir oo ka mid ah gudigan ayaa isagu ku yaboohay hal gaadhi in ay iibinayaan isagoo sheegay in tirada gaadiid ee gobolku u baahan yahay aanay yarayn balse qaybtooda ay ka qaadanayaan.

Yaboohida qaadhaanka gaadhi labaad ayaa ku soo gabagabawdey 19000 oo Doolar, iyadoo shirkado badan oo goobtaas masuuliyiin ka joogeen ay ku gaabsadeen in ay dib talo isugu noqonayaan doorkoodana ka qaadan doonaan.

Dhinaca kale Wasiirka Tamarta  Jaamac Xaaji Maxamuud ayaa saaka ku dhawaaqay in wasaarad ahaan ay gaadhi Ambalaas ah ay bixinayaan si loo daboolo baahida caafimaad ee gobolka maruu dhagax dhigayey xarun cusub oo solar ah.

Horey waxaa gaadhi noocan oo kale ah diray Xaaji Maxamed Jabuutaawi kaas oo la sheegay in uu haatan kusoo wajahan yahay laascaanood.

Seynab Cabdi Warsame
[email protected]
Laascaanood