4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 26, 2020
Kumaandooska dowladda Soomaaliya oo sheegay in ay dileen nin Ajnabi ah oo Al-shabaab ka tirsanaa
 

Jimco, Juun 26, 2020 (HOL) - Ciidamada qalabka sida ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay sheegeen in ay dileen sargaal sare oo ka tirsan Alshabaab oo aan Soomaali aheyn, islamarkaana u qaabilsanaa dhinaca tababarka ciidamada , kadib dagaallo ka dhacay dhowr deegaan oo ka tirsan Gobolada dhexe sida uu baahiyahay raadiyaha Ciidamada dowladda ee SNA.

Idaacadda oo soo xiganeysay taliyaha guutada 16-aad ee kumaandooska Danab G/le. Ismaaciil Cabdimaalik Maalin ayaa waxey baahisay in dagaallada ay ka dhaceen deegaannada Buur-gaduud, Salagle, Waabo iyo Duqay.

Taliye Maalin ayaa sheegay in ay dileen sargaal lagu magacaabo Asharaf Azmi Abu “Hamdan” oo u dhashay Nepal oo ah jamhuuriyad ku taalla Asia .

Dagaallada ayaa waxa uu sheegay in ay sii wada doonaan illaa inta laga xaqiijinayo inta ciidamada dowladda ay la wareegayaa dhulka ay Al-shabaab maamulaan.

Dhinaca kale ma jiro war kasoo baxay Al-shabaab oo ay uga jawaabayaan dilka ninkaas ka tirsanaa la sheegay in loo geystay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]