4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 25, 2020
Baarlamanka aqalka hoose ee Soomaaliya oo ka dooday matalaadda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir
 

Khamiis, Juun 25, 2020 (HOL) - Baarlamanka aqalka hoose ee Soomaaliya oo maalintii lixaad oo xiriir ah maanta kulan ku yeeshay Muqdiso ayaa waxay aad uga hadlen arrinta matalaadda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir.

Kulankaan oo ah kii 9-aad ee kalfadhigii 7aad ayaa waxaa shir Guddoominayay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan, waxaana kasoo qeyb galay mudanayaal gaaraya 174 xildhibaan .

Doodda ugu badan ee xildhibaannada hadlay ayaa waxay diiradda ku saareen inta kuraas ee matalaad ahaan aqalka sare loo siin karo Gobolka Banaadir, waxayna badi soo jeediyeen in la siiyo 13 kursi.

Arrinta matalaadda siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ayaa waxay tahay mid si gaar ah xiisa ugu leh bulshada Soomaaliyeed, waxaana la eegayaa waxa ay Baarlamanka aqalka hoose meel mariyeen .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]