4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 24, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo shaaciyay goorta iyo goobta uu ka dhicidoona shirka dowladda federalka iyo dowlad goboleedyada
 

Arbaco, Juun 24, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku casuumay Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir in ay kasoo qeyb galaan Shirka Golaha Amniga Qaranka ee JFS oo ka dhici doona magaalada Muqdisho.

Shirkan oo qabsoomaya inta u dhaxaysa 5-8 Luulyo, 2020 ayaa ajandihiisu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

War kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Federaalka Soomaliya (DFS)ay adkaynayso muhiimadda shirkan, oo ay tilmaamtay inuu dhammeystir u yahay guulaha siyaasadeed, amni iyo dhaqaale ee ay wadajirka u xaqiijiyeen shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, waxa uuna shirku jihaynayaa geeddi socodka dimuqraadiyeed ee dalkeenna.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]