4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 22, 2020
Hoggaamiyahii aqlabiyadda Baarlamanka Kenya oo maanta xil ka xayuubin lagu sameeyay
 

Isniin, Juun 22, 2020 (HOL) - Aadan Barre Ducaale oo ahaa hoggaamiyahii aqlabiyadda Baalramanka Jamhuuriyadda Kenya ayaa lagu sameeyay xil ka xayuubin , kadib markii inta badan xubnaha xisbiga talada haya ee Jubilee ay kala noqdeen kalsoonida.

Xil ka xayuubinta Aadan Barre ayaa timid  kadib markii maanta magaalada Nairobi lagu qabtay kulan uu shir guddoominayay madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Ducaale ayaa waayadii dembe dareemayay culeys siyaasadeed oo xooggan tan iyo wixii ka dembeeyay markii heshiis siyaasadeed ay  galeen madaxweyne Kenyatta iyo Raila Odinga .

Aadan Ducaale ayaa waxaa lagasoo doortaa bartamaha malaagada Gaarisa , waxa uuna Baarlamanka ka tirsanyahay muddo 12 sano ah , siddeed sano ayuu ahaa hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamanka Jamhuuriyadda Kenya, jagadaas oo ah awoodda afaraad ee dalka marka laga yimaado madaxweynaha, ku-xigeenka madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamanka.

Xilkaas ayaa loo magacaabay xildhibaan Amus Kimunya oo ka tirsan isbaheysigii xisbiga isu bedalay ee Jubilee .

Xisbiga talada Kenya haya ayaa hadda u muuqda mid siyaasad ahaan sii kala fogaanaya , iyadoo saaxiibbada madaxweyne ku xigeenka Wiliam Ruto ay wajahayeen culeys xooggan sanadihii dembe.

Dhinaca kale Xildhibaan Aadan Keynaan oo lagasoo doorto deegaanka Ceel-dhaas ee Ismaamulka Wajeer ayaa isagana maanta loo doortay xoghaya xubnaha Baarlamanka ee xisbiga Jubilee.

Soomaalida Kenya ayaa maanta lumisay kursi siyaasadeed oo miisaan culus, kaas oo aan xitaa la ogeyn inuu dib gacantooda ugusoo laaban doono, wallow ay xusid mudantahay in boosas kale oo muhiim ah ay hadda hayaan, laakiin waxay u badanyihiin kuwa ku yimaado hab magacaabis ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]