4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 21, 2020
Faahfaahin ku saabsan qaraxyo lagu weeraray ciidamo katirsan dowladda oo ka kala dhacay gobolada Mudug iyo Shabeeladda hoose
 

Axad, Juun 21, 2020 (HOL) - Ugu yaraan toddobo qof ayaa ku dhimatay laba weerar oo bambo oo kala gooni-gooni ah oo ka dhacay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya 24-kii saac ee la soo dhaafay, sidaana waxaa sheegay saraakiisha bilayska iyo militariga.

Laba qarax oo lagu weeraray guriga sarkaal ka tirsan millatariga oo ku sugnaa magaalada Wanlaweyn, oo 90 kiiloomitir waqooyi-galbeed ka xigta magaalada Muqdisho, waxaana ku dhintay afar qof, oo ay ku jiraan askar iyo rayid.

Ma jirto koox sheegatay mas'uuliyadda. Weerarada noocan oo kale ah waxaa caan ku ka ah ururka al-Shabaab.

“Horta waxaan maqalnay qarax ka dhacay guriga. Sarkaalkii milatariga ahaa ayaa markaa maqnaa. Ilaalada iyo dadka deegaanka ayaa u yimid si ay u ogaadaan waxa sababay qaraxa ka dibna qarax labaad ayaa dhacay, ”Maxamed Nuur, oo ah sarkaal boolis ah, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters maanta oo Axad ah.

Dhacdadii labaad, sedex katirsan kooxda Al-shabab oo watay gaari ayaa weerar ismiidaamin ah ku qaaday bar kontorool oo militari oo ku taal magaalada Bacadweyn oo katirsan Galmudug.

Saddex askari ayaa dhimatay labo kalena waa ay dhaawacmeen, sida uu sheegay Gaashaanle Sare C / llaahi Axmed, oo ah sarkaal milatari oo ku sugan magaalada Gaalkacyo.

Dadka deggan Bacadweyn, oo qiyaastii 180 kiiloomitir koonfur bari ka xiga magaalada Galkacyo, ayaa sheegay inay ka baqayaan kuwa weerarka soo qaaday inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

“Al-shabaab weligood nama soo weerarin. Waxaan aad uga naxnay gaariga waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay. Ciidamada dowladda waa bartilmaameed laakiin weerarada noocaas ah uma tudhi doonaan dadka rayidka ah, ”ayuu yidhi oday deegaanka ah Xasan Nuur u sheegay Reuters.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]