4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2020
Ethiopia oo diiwaan galisay 399 kiis oo covid19 xilli cudurku aad ugu faafay xarumaha karantiilka
 

Sabti, Juun 20, 2020 (HOL) - Itoobiya ayaa diiwaan galisay kiisaskii ugu badnaa covid19 maalin gudaheed, waxaana laga helay 399, taas oo ka dhigtay tirada guud 4,469 kiis. Sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka, kiisaska cusub waxaa laga soo saaray baarirtaan lagu sameeyay 4,848 qof 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Wasaaraddu wax war ah kama soo saarin dhimashada cusub ee la xiriirta COVID19. Kiisaska cusub, 195 ayaa rag ah halka 204 ay yihiin dhedig da'doodu u dhaxayso 4 iyo 85 sano.

267 ka mid ah dadka laga helay cudurka waxay katirsanaayeen xarunta karantiilka ee jaamacadda Shaqaalaha Rayidka, iyo xarunta karantiiliyada ee Dewale iyo Galile, 86 waxaa laga keenay Addis Ababa, 18 waxaa laga keenay gobolka Amxaarada, 14 waxaa laga helay Dire Dawa, 9 gobolka oromada, laba gobolka Tigreega iyo mid kasocda gobolada la isku yiraahdo iyo Gambella.

Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in 95 bukaan ay ka soo kabsadeen fayraska, taas oo tirada guud ee soo kabashada dalkaas ka dhigeysa 1, 122.

Guud ahaan 3,273 kiis oo firfircoon ayaa hadda ka jira gudaha Itoobiya, iyadoo 30 ka mid ah ay xaaladdoodu aad u liidato. Tirada guud ee baaritaanada la sameeyay waxay gaareen 211, 871.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]