4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 20, 2020
Xildhibaanno gaaraya 132 mudane oo Guddoomiyaha Golaha Shacabka u gudbiyay mooshin
 

Sabti, Juun 20, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamanka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa loo gudbiyay mooshin ay ku saxiixanyihiin illaa 132 Xildhibaan , kaas oo la doonayo in lagu xaqiijiyo qoondada dumarka iyo kuraasta labada Gole ee Baarlamanka qaranka .

Qaar kamid ah haweenka oo hor boodaya soo-jeedintaan ayaa waxay ku doodayaan in hadda kuraasta ay ku fadhiyaan gabdhaha xildhibaannada ah , doorashada soo socota ay noqdaan kuraas keliya ay dumarka ku tartami karaan.

Xildhibaan Xaniifa Xaabsade oo mooshinkaan ka dhex akhrisay  Golaha Shacabka ayaa waxay sheegtay in ay doonayaan siyaasad fadhisa iyo matalaad muuqata in ay gabdhaha ku yeeshaan golaha sharci-dejinta.

Beelaha Soomaaliyeed qaar ayaa kuraasta dumarka ee kusoo aadda midba mar loo dhiibaa, laakiin haddii mooshinkaan uu hir-gelo, waxaan la ogeyn sida qaar kamid ah beelaha hadda gabdhuhu ay matalaan ay u aqbali doonaan in weligood kursigooda ay gabar oo qura ku fadhiisato.

Marka lasoo gaaro xilliyada doorashadu ay soo dhowaato waxaa Soomaaliya ka bilowda guux siysaadadeed oo la xiriiraa qoondada dumarka ay ku leeyihiin labada gole ee Baarlamanka .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]