
newsinsideWuxuu ku tilmaamay guusha Kenya inay tahay mid muujineysa waddankiisa iyo saameynta ay ku leedahay jaalliyadaha quruumaha oo ah iskaashi aamin ah oo la isku halleyn karo, sida uu sheegay Uhuru.
Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay waa hay'adda UN ugu awoodda badan ee loo xil saaray ilaalinta nabadda iyo amniga adduunka.
Guushan ayaa Nairobi siineysa fursad ay ku soo noqoto tobanka xubnood ee aan joogtada ahayn, kuwaas oo inta badan la shaqeeya shanta xubnood ee joogtada ah ee Ruushka, Shiinaha, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, iyo Faransiiska.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]
[email protected]