4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2020
Aadan Barre Ducaale oo ka badbaaday in xilka laga qaado
 

Talaado, June 2, 2020 (HOL) - Hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa waxa uu maanta ka badbaaday qorshe la doonayay in xilka looga qaado, kadib isbedal lagu sameynayay mas’uuliyiinta jagooyinka kala duwan  ka haya xisbul xaakimka Jubilee.

Arrintaan ayaa waxay soo afjareysaa warar maalmihii lasoo dhaafay taagnaa oo ku saabsan in xilka laga qaadayo.

Aadan Barre Ducaale oo ka mid ah siyaasiyiinta Soomaalida Kenya  kuwooda ugu miisaanka culus ayaa waxaa lagasoo doortay bartamaha magaalada  Gaarisa ee Gobolka Waqooyi bari.

“Badbaaada waxay ka timid xagga Alle, waxii maanta ka dhacay Baarlamanka oo madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay goob joog ka ahaayeenna waxay tahay kalsoonida xisbiga iyo shaqada aan Baarlamanka dhexdiisa ka qabtay, xitaa dhinaca mucaaradka way I taageereen” ayuu Aadan Barre  sheegay isagoo la hadlayay BBC-da .

Ducaale oo  maalmo ka hor kasoo muuqday fagaaro ku yaalla magaalada Gaarisa ayaa waxa uu ka hadlay waxyaabaha uu ugu aamusanyahay arrinta isaga la xiriirta ee ku saabsan in xilka laga qaadayo, waxa uuna xilligaasi sheegay in ay jirto {Siigo siyaasadeed} cid kastana ay Indhaheeda qabsatay, isagana uu sidaasi darteed u aamusay.

Tan iyo wixii ka dembeeyay markii uu dhacay is-fahankii dhinaca siyaasadda ee lagusoo ebyay khilaafkii ka dhashay doorashadii Kenya ka dhacday dabayaaqadii 2018-kii, waxa uu kala shaki xooggan soo kala dhex-galay xisbiga talada Kenya haya ee Jubilee, iyadoo xanta siyaasadda Kenyaan-kana ay ku saabaneyd in madaxweyne Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto ay kala fogaadeen. Taas oo mararka qaar siyaasiyiin lagusoo eedeeyay musuq-maasuq dadka qaar ay u fasireen in ay la olog yihiin  madaxweyne Ku xigeenka .

Warbaahinta Kenya ayaa si gaar ah indhaha ugu haaysay arrinta Aadan Barre Ducaale, laakiin maanta waxay u muuqataa in wax kasta oo arrintiisa la xiriiray lasoo afjaray, waxayna taasi niyad ahaan farxad gelisay taageerayaasha hoggaamiyaha aqlabiyadda Baarlamanka Jamhuuriyadda Kenya.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]