4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2020
Furitaanka kalfadhiga 43-aad ee Baarlamanka Somaliland oo dib loo dhigay
 

Talaado, June 2, 2020 (HOL) - Waxaa maanta dib loo dhigay kalfadhigii 43-aad ee Baarlamanka Somaliland,  Kadib markii la shaaciyay in loo hakiyay xanuunka Coronavirus ee dunida ay dagaalka  kula jira awgii.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Baarlamanka ayaa lagu sheegay in sababa la xariira xaaladda ay Somaliland mareyso iyo saameynta habsami u socodkii shaqada dowladda uu ku yeeshay COVID-19 darteed dib loo dhigay kalfadhigii furmi lahaa.

Somaliland waxaa si aad ah ugu fidaya xanuunka Coronavirus kaas oo soo ritay dad badan, halka tobaneeyo ruuxna ay u dhinteen.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta shaacisay in laba kamid ah golaha wasiirrada laga helay  xanuunkaas, taas oo muujineysa halista ah in cid walba uu haleeli karo COVID-19.

Warqadda lagu sheegay in dib loo dhigay xilligii uu furmi lahaa kalfadhiga Baarlamanka Somaliland,  laguma shaacin xilliga kale ee loo qorsheeyay in si rasmi ah loo furo.

 

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]