4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2020
Kenya Airways oo dib u bilaabaysa duulimaadyadii rakaabka 8 juun
 

Talaado, June 2, 2020 (HOL) - Kenya Airways ayaa qorsheyneysa inay dib u bilowdo duulimaadyadii rakaabka laga bilaabo Juun 8.

Shirkadaha duulimaadyada gudaha ee Kenya sida Safarilink, Air Kenya iyo xitaa shirkadda hoos timaadda Kenya Airways ee Jambojet waxay kusii jiridoonaan xaddidaadda dhaqdhaqaaqa gudaha iyo dibedda, sida uu sheegay xoghayaha golaha gaadiidka James Macharia.

Dhanka kale, Kenya Airways ayaa bixin doonta duullimaad dib-u-celin ah oo ah Nairobi illaa London bisha Juun 4.

Shirkadda duulista hawada Kenya waxaa la filayaa in ay dhammaadka todobaadkaan shaaciso jadwalka duulimaadyada tagaya gobollada iyo dibadda.

Shirkaddaha duulimaadyada bariga Afrika ee kala ah, RwandAir, AirTansaaniya, iyo Shirkadda Diyaaradaha Ugaandha ayaa ka shaqeynaya sidii dib loogu bilaabi lahaa howlaha duullimaadyada.

Dowlada Rwanda ayaa horey u balanqaaday inay kordhineyso lacag aruurinta RwandAir, si loo yareeyo khasaaraha tan iyo markii la joojiyay duulimaadyadii hawada ee aduunka.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]