4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2020
Xubno kamid ah golaha wasiirrada Somaliland oo laga helay xanuunka COVID-19
 

Talaado, June 2, 2020 (HOL) - War kasoo baxay wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in xubno kamid ah golaha wasiirrada laga helay xanuunka Coronavirus oo hadda aad ugusii baahaya dhulka Soomaaliyeed.

Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa xaqiijisay in labo xubnood oo ka tirsan wasiirrada laga helay xanuunka, xaaladdooduna ay wanaagaantahay.

Maxamed Axmed Cawad oo ah wasiirka wasaaradda maal-gashiga Somaliland ayaa qoraal kooban oo uu soo dhigay bogga lagu gudbiyo farriimaha gaagaaban ee Twitter-ka ayaa waxa uu ku xaqiijiyay in baaritaan lagu sameeyay laga helay COVID-19,  xaaladdiisuna ay hadda hagaagsantahay.

"Waxaan sameeyay baadhitaanka caabuqa covid19, jawaabtuna posative ayeey noqotay, xaaladeydu way fiicantahay,  wax xanuun ah oo aan dareemayana ma jiro " wasiir Maxamed Axmed Cawad ayaa ku qoray Twitter-kiisa.

Maalmahii ugu dembeeyay xanuunka COVID-19 ayaa aad ugu baahayay Somaliland, iyadoo dad badanna uu soo ritay, balse wasaaradda caafimaadka ayaa wadda dadaallo lagu xakameynayo.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]