4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 2 , 2020
Madaxweynaha Puntland oo soo dhoweeyay hadalkii raysal wasaaraha ee ahaa in doorashada waqtigeeda ku dhacdo
 

Talaado, June 2, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa soo dhoweeyay hadal kasoo yeeray raysal wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, kaasoo golihiisa wasiiradda kala shiray sidii ay dalka uga dhici lahayd doorasho waqtigeeda ku dhacdo islamarkaana ay ka wada tashadaan saamilayda siyaasadeed.

Madaxweyne Deni ayaa hadalka raysal wasaaraha ku tilmaamay mid mug leh oo ka turjumaya baaqyadii ay soo jeediyeen, laakiin wuxuu sheegay in loo baahan yahay in ficil loo bedelo oo bayaan rasmi ah lagusoo saaro.

Geesta kale, madaxweyne Deni ayaa ka digay in barlamaanka Soomaaliya ee hadda jira oo waqtigoodu uu ka harsan yahay afar bilood ay ka taliyaan masiirka Soomaaliya, isagoo ku eedeeyay inay ka shaqeeynayaan in doorashada soo socota lagu galo nidaamka 4.5 oo ay u bedeleen hab dastuuri ah.

“Puntland waxay halkaan ka caddeynaysaa barlamaanka hadda jira oo ku yimid xulasho, waqtigooduna gabaabsi yahay, go’aan ma qaadi karaan, si cad ayaan u sheegaynaa in lagu kala tagana ma doonayno,” ayuu yidhi Deni.

Hadalka madaxweynaha Puntland ayaa kusoo aadaya iyadoo guddiga doorashada dhawaan laga filayo inuu ku dhawaaqo warbixin guud oo ku saabsan go'aankooda kama dambaysta ah ee nuuca doorashada Soomaaliya iyo waqtigeeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]