4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 19, 2020
Dowladda Tanzania oo gashay heegan xooggan , kadib hanjabaad uga timid koox jihaaddi ah oo ka dhisan Mozambique
 

Jimco, Juun 19, 2020 (HOL) - Sida lagu qoray barta wararka ammaanka ka faalloota ee The intelligence Briefs ayaa qortay in  dowladda Tanzania billowday baaritaanno la xiriira muwaadiniinteeda ku biiri kara kooxda Al-shabaab ee ka dhisan gudaha waddanka Mozambique ee ka dagaallanta Gobolka lagu magacaabo Cabo Delgado, sida lagasoo xigtay Ilo sirdoon.

Kooxda ayaa dhowaan baahisay muuqaal ku baxayay Afka Sawaaxiliga oo loogu hanjabayo dowladda Tanzania iyo muwaadiniiteeda haaysta diinta masiixiyadda , muuqaalkaasi oo lagu sheegay mid Boqobogando ah  ayaa waxa uu haddana u muuqanayay mid  wata khatartiisa ammaan.  

Iyadoo aan la dhayalsan karin Ururka ISCAP iyo dagaallada uu ku jiro.

Muuqaal lagu baahiyay bishii April baraha bulshada ayaa qof jihaaddi ah oo aan muuqan waxa uu si toos ah ugu hanjabay madaxweynaha Tanzania iyo muwaadiniinta qarankaas  ee masiixiyiinta ah . Muuqaalka Ayaan sidoo kale la garan karin halka lagasoo duubay , laakiin qofka hanjabayay oo muuqday hoggaamiye ka tirsan kooxdaas.

Xilli hore ayey dowladda Tanzania waxay ciidamo dheeraad ah dhigtay xadka ay la wadaagto waddanka Mozambique si loola socda dhaqdhaqaaqa ammaanka la xiriira, haddii ay xubno kooxdaas ka tirsan ay isku soo dayaan in ay usoo gudbaan Tanzania .

Wararka ay qorayaan dhinacyada ka fallooda sirdoonka iyo ammaanka ayaa sheegaya in xaddi badan oo dhalin-yaro reer Tanzania ah ay ku biiireen Ururkaas ka dagaallama gudaha waddanka Mozambique .

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]