4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 19, 2020
Safaaradda Sacuudiga ee Mozambique “Ma jiraan wax dhibaato ah oo aan ku haayno shaqaalaheenna u dhashay dalkaan”
 

Jimco, Juun 19, 2020 (HOL) - Safaaradda Sacuudi Carabiya ee ku taalla magaalada Maputa ee waddanka Mozambique ayaa waxay iska fogeysay eedo loo soo jeediyay oo ku saabsan tacaddi ku saabsan xad-gudubyo dhinaca shaqada ah oo lagula kaco shaqaalaha dalkaas u dhashay.

“Wax kasta oo lagu xusay warqadda maaha wax sax ah, dhammaan eedeymahana maaha kuwa jira” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay safaaradda Sacuudiga oo looga jawaabay qoraal uu soo bandhigay wargeyska The Carte de Mocambique .

Saacdaha shaqada safaaradda ayaa billaabmaya 09:00am waxaana lagasoo rawaxaa 15:00pm sida mas’uuliyiinta Sacuudiga ah ay sheegeen, iyagoo intaa ku daray in aaney jirin cid lagu qasbo shaqo dheeraad ah.

Sidoo kale safaaradda Dowladda Saccuudiga ee Mqzambique waxay beenisay in shaqaalaha maxalliga ah ee ka shaqeeya aysan siin wax mushaaraad ah illaa lagasoo billaabo sanadkii 2018-dii, waxayna si rasmi ah usoo bandhigeen macluumaadka mushaaraad bixinta la xiriira .

Xuquuqda billaha ah ee la siiyo shaqaalaha ayaa waxay ku kala duwantahay inta u dhexeysa $646 illaa $1,460 sida mas’uuliyiinta safaaraddu ay sheegeen , waxayna  intaa ku dareen in shaqaalaha maxalliga laga qaato ay ku shaqeeyaan heshiis laga qoro, waqtiyada heeraadka ahna waxaa la siiyaa gunnooyin haddii shaqsiga loo diro shaqo , qabtana isagoo ku qanacsan.

Waxaa sidoo kale safaaraddu ay bixisaa gunnooyinka gaadiidka shaqaalaha , halka 30 maalin oo fasax ah la siiyo shaqaalaha   sida ku cad xogta laga helay dowladda Sacuudiga.

Safaaradda Sacuudiga ayaa sidoo kale beenisay in midab takoor iyo dhibaateyn u dhiganta addoonsi lagu hayo shaqaalaha Mozambique ee ka shaqeeya xaruntaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]