4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 19, 2020
Mareykanka oo Soomaaliya ugu yaboohay $ 17.1 Milyan oo Doollar si looga caawiyo dagaalka COVID-19
 

Jimco, Juun 19, 2020 (HOL) - Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay inay bixinayso in ka badan $ 17.1 milyan oo doolar si loo yareeyo faafitaanka COVID-19 gudaha Soomaaliya.

“ Annaga oo kaashanayna dowladda Soomaaliya, deeq-bixiyeyaasha kale, ururrada caalamiga ah iyo NGO-yada, waxaan sameyn doonaa horumar la taaban karo oo lagu hagaajinayo natiijooyinka caafimaadka iyo la-dagaallanka faafitaanka COVID-19 ee Soomaaliya, ”ayuu yiri Safiirka Soomaaliya ee Maraykanka Donald Y. Yamamoto.

Iyada oo loo marayo Hay'adda Horumarinta Caalamiga ah (USAID), Mareykanka wuxuu sheegay inuu la jaan qaadayo barnaamijyada horumarineed ee caafimaad iyo waxbarasho ee jira si looga caawiyo la dagaalanka COVID-19 gudaha Soomaaliya.

Mareykanka ayaa weli ah deeq bixiyaha ugu weyn isla markaana sabab u ah jawaabta caalamiga ah ee Soomaaliya.

Mareykanka wuxuu ugu yeeray deeq-bixiyeyaasha kale inay gacan ka geystaan dadaalka caalamiga ah ee lagula dagaallamayo COVID-19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]