4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 19, 2020
Maamulka Gobolka Banaadir oo 15 xubin u magacaabay agaasinka maalmaha xoriyadda
 

Jimco, Juun 19, 2020 (HOL) - Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamed Maxamuud “Filish” ayaa waxa uu shir guddoomiyay kulan lagu qabtay Muqdisho oo looga hadlayay arrimaha la xiriira u diyaar garowga maalmaha xoriyadda ee soo socda.

Shirka ayaa waxaa kasoo qeyb-galay guddoomiyayaasha degmooyinka agaasimayaasha Maamulka Gobolka Banaadir iyo guddoomiyaha dhalinyarada Gobolka Banaadir .

Waxaa diiradda lagu saaray sida ugu muhiimsan ee loo abaabuli karo xuska 26-ka Jun iyo 1-da Luuliyo.

Ugu dembeeyn kulanka ka dhacay xarunta dhalinyarada Gobolka Banaadir ayaa waxaa la cayimay guddi gaar ah oo 15 xubin ka kooban oo agaasinka Barnaamijkaas ka shaqeyn doono.

Soomaaliya ayaa isbuucyada soo socda u dabaal-degeysa sanad guuradii 60-aad ee kasoo wareegtay markii Gobollada waqooyiga iyo koofurta ay xoriyaddoodii ka qaateen Ingiriiska iyo Talyaaniga.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]