4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 19, 2020
Dagaal u dhexeeya Macawisley iyo Al-shabaab oo ka dhacay Shabeellada hoose
 

Khamiis, Juun 18, 2020 (HOL) - Wararka laga helayo Gobolka Shabeellada hoose ayaa waxa uu sheegayaa in dagaal xooggan oo u dhexeeyo maleeshiyo deegaanka ah oo lagu magacaabo macwisley iyo xoogggaga Al-shabaab ay ku dagaallameen deegaanno hoos taga Yaaq-bari-weyn  iyo Kaba-hirig, halkaas oo lagu soo warramayo in weli xiisad laga dareemayo.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa raadiye maxalli ah u sheegay in xaaladda ay aad u adagtahay islamarkaana aan loo dhowaan Karin goobaha lagu dagaallamay.

“Waxaan maqleynay rasaas xooggan oo ku dhowaad dhowr saacadood la is-weydaarsanayay” ayuu u sheegay goobjooge la hadlay mid kamid ah idaacadaha Muqdisho.

Sargaal u hadlay Ciidamada Dowladda oo la hadlay isagana warbaahinta ayaa sheegay in Al-shabaab ay qafasheen Afar qof oo rayid ah , laba kamid ahna ay ku dileen duleedka deegannadaasi.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]