4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 18, 2020
Ku dhawaad 15 maxaabiis ah oo ku xirnaa dalka Cuman oo maanta lagasoo dajiyay magaalada Bosaso
 

Khamiis, Juun 18, 2020 (HOL) - 13 maxaabiis burcad badeed ah oo ku xirnaa xabsiyo kuyaala dalka Cumaan ayaa maanta lagasoo dajiyay magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari (Puntland). Maxaabiistaan ayaa muddo 10 sano ah kusoo qaatay xabsiyada dalka Cumaan, kadib markii loo xukumay dambiyo burcad badeednimo.

Qaar kamid ah maxaabiista oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay soo dayntooda inuu kaalin weyn ka qaatay madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdulaahi Deni.

Waxay si kulul u eedeeyeen safaaradda Soomaaliya ee dalka Cuman, iyagoo ku eedeeyay markii ay xukunkii dhameysteen in ay safaaraddu udiiday in dalkooda lagusoo celiyo, ayna muddo 4 bilood ah xabsiyo kusii qaateen xabsiyo kale.

“Waqtigii uu xukunka inoo dhamaaday, waxaa xilkayagii la wareegay masuuliyiin isku sheegayeen inay mataalaan dowladda Soomaaliya. Nimankaasi waxay na geeyeen jeel maxbuus u gaar ah, waxaana ugu xirnayn madax furasho, waxaa naloo diiday dukumentigeena, waxaa nala ku xiray inaan lacag bixino, kadib waxaan usoo qeylo dhaaminay Puntland. Madaxweyne Deni warqad uu leeyahay Ayaan kagaso baxnay oo maanta halkaan ku nimid,” ayuu yidhi mid kamid ah maxaabiista.

Masuuliyiin katirsan Puntland oo soo dhoweeeyay maxaabiistaan ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in muwaadiniin Soomaaliyeed ay waqti intaas le’eg kusoo qaataan jeel dibada ah. Waxay sidoo kale dhalleeceeyeen in safiirka Soomaaliya ee Cuman uu tacadi kula kacay maxaabiistaan oo ay masuuliyad gaar ah ka saarnayd daryeelkooda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]