4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 18, 2020
Afhayeenka booliska Soomaaliya " Askarigii dilay dhowaan ninkii odayga ahaa horay ayaa dembiyo loogu haaystay "
 

Khamiis, Juun 18, 2020 (HOL) - Ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa maanta tafaasiil ka bixiyay howl-gallo kala duwan oo maalmihii ugu dembeeyay ay ka sameeyeen magaalada Muqdisho,  iyagoo sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen dhowr tuhmane oo lagu raad-joogayay oo loo haaystay dilal ka dhacay Caasimadda.

Afhayeenka ciidanka booliska dhamme Saddiiq Aadan Cali oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in ay gacanta kusoo dhigeen kooxo burcad ah oo dhowaan Muqdisho ku dilay wiil dhalinyaro ah darawal ka ahaa Bajaaj,  sidoo kalana ka qaatay bajaajtii.

Howl-galka lagusoo qabtay ayaa ka dhacay degmada Xamar jajab.

Dhinaca kale wuxuu tafaasiil ka bixiyay askarigii Muqdisho ku dilay dhowr maalin ka hor nin oday ah oo ganacaade ahaa, wuxuu tilmaamay in hadda uu ku jiro gacanta ciidamada,  sidoo kalana uu ahaa askari horay ugu eedeysnaa dembiyo kale.

Dhammaan dhinacyada dadkaan ay soo qabteen ayaa waxa uu sheegay in cadaaladda horkeeni doonaan.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]