4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 18, 2020
Kenya oo dib u furaysa soodinta ganacsi ay la wadaagto Soomaaliya
 

Khamiis, Juun 18, 2020 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa lagu wadaa inay qayb ahaan dib u furto soohdinta Kenya iyo Soomaaliya ee Lamu si loogu oggolaado kalluumeysatada iyo ganacsatada in  ay dib u furaan meheraddooda.

Bishii Juun ee sanadkii hore, ayay Kenya xirtay xuduuda si ay uga hortagaan tahriibinta dadka, falalka argagaxisada iyo ganacsiga sharci darrada ah.

Kalluumeysatada iyo ganacsatada gobolka Lamu ayaa muddo tobanaan sano ah ku howlanaa ganacsi guul leh oo ka gudba xuduuda Soomaaliya.

Xiritaanka xuduuda ayaa keentay in ay kordhaan kaluumeysatada iyo ganacsatada sharci darrada ah.

Gudoomiyaha gobolka Lamu Irungu Macharia ayaa  sheegay in ay socdaan qorsheyaal loogu oggolaanayo kalluumaysatada iyo xoogaa ganacsato ah in ay sii wataan ganacsigooda.

Wuxuu sheegay in xafiiskiisu uu dhowaan la kulmi doono guddiga amniga ee gobolka, hoggaanka gobolka iyo saamileyda si loo helo dariiqyo loogu kalluumaysto kalluumeysatada iyo ganacsatada loo oggolaado inay ku sii gudbaan xuduudahooda ganacsi, in kasta oo ay jiraan qawaaniin adag oo looga ilaalinayo faafitaanka coronavirus.

“Arrinta xudduudku waxay la xiriirtaa amniga qaranka, wax kastoo aan sameynno, waxaa jiri doona sharciyo ay tahay in loo hoggaansamo," ayuu yidhi Macharia.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]