4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2020
Hoggaamiyahii la Af-duubay ee mucaaradka Mali oo la xaqiijiyay in uu noolyahay
   

Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Mali Ibrahim Boubacar Keita ayaa sheegay in xog ay heleen ay muujineyso in uu weli noolyahay hoggaamiyahii mucaaradka waddankaasi Soumaila Cisse, kaas oo ku maqan gacanta kooxo Afduubtay xilli uu sameynayay ol-ole la xiriira doorasho dalkaasi ka dhaceysay . sida ay qortay wakaaladda wararka AFP.

Madaxweynaha ayaa lagasoo xigtay warkaan oo in muddo ahba shacabka waddanka Mali ay ka dhur sugayeen

“Dowladdu waxay cadeyneysaa in Mr Cisse uu weli noolyahay” ayuu madaxweyne Keita sheegay.

 “Waxaan rajeyneynaa in isaga oo nool oo caafimaad qaba uu soo laabto, waana wax aan Alle ka fileyno “ ayuu mar kale hadalkiisa ku daray.

Mr Cisse ayaa ahaa hoggaamiyaha xisbiga Midnimada qaranka iyo dimuquraaddiyada, waxaana la xeray 25-dii March ee sanadkaan xilli uu Olole doorasho oo dhinaca Baarlamanka ah uu u sameynayay xisbigiisa

Tan iyo sanadkii 2012-dii ciidamada waddanka Mali ayaa waqooyiga waddankaasi kula dagaallamayay kooxo hubeysan.

Isha: BBC Africa

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]