4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 17, 2020
Dowladda Germany oo Soomaaliya ka caawinaysa yaraynta halista Covid_19, daadadka, iyo duulaanka Ayaxa
 

Arbaco, Juun 17, 2020 (HOL) -  Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad iyo Danjiraha Jarmalka, Annett Günther oo qadka taleefonka kuwada hadlay ayaa  ballan-qaaday inay kasii wada-shaqeyn doonaan yareynta halista ka dhalan karta COVID 19.

“Waxaan khadka taleefanka kula xiriiray safiirka Jarmalka, Annett Günther. Waxaan ka wada hadalnay heerka halista Covid_19, daadadka, iyo duulaanka Ayaxa Soomaaliya. Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay iskaashiga gobolka, iyo sii xoojinta xiriirka labada dhinac" Danjire Axmed Cawad ayaa bartiisa Twitterka ku yiri hadalkan.

Bishii Oktoobar ee sanadkii hore, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Jarmalka (Wasaaradda Iskaashiga Dhaqaalaha iyo Horumarinta, BMZ) waxay ballanqaadeen inay sii laba jibaari doonaan iskaashigooda laba geesood ah oo ku kacaya 67 milyan oo EUR kale ah.

Ahmiyadaha ugu sareeya iskaashiga laba geesoodka ee Soomaaliya iyo Jarmalka waxaa ka mid ah horumar dhaqaale oo waara iyo sidoo kale beeraha, horumarinta reer miyiga, iyo maareynta biyaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]