4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2020
Beesha caalamka oo farriin u dirtay guddiga farsamo ee loo saaray wada xaajoodka Soomaaliya iyo Somaliland
 

Talaado, Juun 16, 2020 (HOL) - Saaxiibada Soomaaliya ee Caalamiga ah ayaa soo dhoweeyay wadahadalka u dhexeeya Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed 'Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Saaxiibadu waxay u mahad celiyeen marti galiyaha shirka Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Jabuuti, iyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed Cali oo kaalin ku lahaa fududaynta wadahadalada.

Beesha caalamku waxay bogaadisay taageerada iyo wada-shaqaynta gobolka ee horseedday wadahadallada.
 
“Waa tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo wada-xiriirka laguna kobcinayo is-fahamka, waxaanan guddiga farsamada ee ay magacaabeen madaxda ugu sarreysa ku dhiirigelinaynaa inay faa’iidooyin la taaban karo u soo hooyaan dadkooda,” ayaa lagu tidhi bayaan kooban oo kazoo baxay saaxiibada caalamiga ah ee Soomaaliya.  

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]