4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 16, 2020
Ilhan Omar Aabeheed Nuur Cumar Max’ed ayaa u Geeriyooday Covid-19, Magaalada Minneapolis

Talaado, Juun 16, 2020 (HOL) -  Ilhan Omar oo ka tirsan Koongareeska Mareykanka ayaa barta ay ku leedahay twitter-ka waxa ay ku shaacisay galabtii Isniinta inuu aabeheed Nuur Cumar Maxamed uu u geeriyooday. Ilhan ayaa caddeysay aabeheed inuu u dhintay cudurka dunida aafeeyay ee Covid-19. “Ma jiraan ereyo aan ku qeexi karo qiimaha aabahey uu iigu fadhiyay”, ayay ku soo qortay barteeda twitter-ka. 




Nuur Cumar Maxemed ayaa ku xanuunsanaa magaalada Minneapolis dhawrkii beri ee u danbeeyay isaga oo markii danbe la dhigay isbitaalka Hennepin County (HCMC), ee magaalada Minneapolis halkaas oo uu maanta (Isniin, June 16) ku geeriyooday Allaha u naxariistee.

Ilhan aabeheed ayaa ahaa oday si weyn loo yaqaan lagana qaddarin jiray magaalada. Odaga ayaa ka mid ahaa jameecada masjidka Rawdah, halkaas oo uu ku tukan jiray. Allaha u naxariisto salaada Nuur Cumar Maxamed.

Marxuumka waxa uu ku dhashay magaalada xeebta ah ee Bandar-Beyla, Beri, waxaa uu ku koray magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku biiray ciidanka millatariga dalka uuna ka gaaray heer sare. Marka laga reebo afka hooyo, waxa uu si fiican ugu hadli jiray luuqadaha Carabi, English-, Talyaani iyo Ruushka.

Ilhan iyo aabeheed ayaa xeryaha qaxootiga Kenya ka soo galay dalkaan Mareyka Mareykanka 23 sano ka hor. Marxuumka berri ayaa lagu aasi doonaa magaalada Burnsville, halkaas oo ay ku yaallaan qabriyada lagu aaso dadka Muslimiinta ah. Allaha u naxariisto . Inaa lilaahi wa innaa ileyhi raajicuun.

Isniintii shalay, 2.1 milyan oo ruux ayuu ku dhacay cudurka Covid-19 dalka Mareykanka, halka uu galaaftay nolosha dad ka badan 116,000, waa sida ay sheegtay Jaamacadda weyn ee Johns Hopkins.

Mohamud Dulyadeyn
[email protected]