4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 1 , 2020
Somaliland oo laga helay kiisas badan oo COVID-19
 

Isniin, June 1, 2020 (HOL) -  Wasaaradda caafimaadka Somaliland ayaa maanta oo Isniin ah shaacisay dhowr xaalad oo ah xanuunka COVID-19 kadib markii baaritaan lagu sameeyay illaa iyo 70 ruux oo xanuunka looga shakisnaa.

War ay sii daaysay wasaaradda caafimaadka Somaliland waxaa lagu xaqiijiyay in dadkii la baraayay 28 ruux oo kamid ah laga helay xanuunka Coronavirus, kuwaas oo iminka ku jira xaalad karaantiil ah,  shaqaalaha caafimaadkuna ay baxnaaninayaan.

Dadkaan xanuunka laga helay ayaa waxay 21 kamid ah joogaan Magaalada Hargeysa,  halka 6 qofna ay ku suganyihiin Boorama, iyadoo Gibileyna uu ku sugan yahay 1 ruux ee kale.

Somaliland waxaa aad u faafaya cudurkaan iyadoo wadarta guud dadka qaaday ee la diiwaan-geliyay ay yihiin 332 ruux,  43 qof ayaa ka bogsaday,  halka ay u geeriyoodeen 22 ruux.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]