4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 9 , 2020
Raysal Wasaare Kheyre: Waa in laga fogaado muddo kordhin si uu dalka u galin qalalaase siyaasadeed iyo mid amni
 

Khamiis, July 9, 2020 (HOL) - Raysal Wasaaraha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kasoo horjeestay in ay doorashada Soomaaliya waqtigeeda dib uga dhacdo, isagoo hadalkaan ka sheegay shirka golaha wasiiradda ee galabtay.

Raysal wasaare Kheyre ayaa sheegay dalka inuu marayo marxalad uu u baahan yahay in laga samata bixiyo lana gaarsiiyo doorasho ay dadka Soomaaliyeed ku midaysan yihiin.

“Waa in laga fogaadaa muddo kordhin, sababtoo ah in lagu shaqeeyo fikirka muddo kordhin waxay horseedi kartaa in dalku galo qalalaase siyaasadeed, mid amni iyo mid dastuuri ah,” ayuu yidhi raysal Wasaare Kheyre.

Raysal Wasaaraha wuxuu faray golihiisa wasiiradda inay ka shaqeeyaan sidii loo dardar galin lahaa doorasho umadda Soomaaliyeed ay isla ogashahay oo laga wada tashado.

Hadalka raysal wasaaraha ayaa kusoo beegmaya iyadoo la hadal hayay inuu jiro khilaaf dhinaca doorashada oo u dhexeeya isaga iyo madaxweynaha.

Barlamaanka Soomaaliya waxaa haatan horyaala soo jeedin ka timid guddiga doorashooyinka oo ah in dib loo dhigo doorashada waqtigeeda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]