Madaxweynaha Puntland oo gaaray magaalada Dhuusamreeb
Khamiis, July 9, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Puntland Siciid Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug, halkaas oo uu ka furmayo shirka wadatashiga dowlad goboleedyada.
Waxaa horey magaalada Dhuusomareeb u gaaray madaxweynaha koonfur galbeed iyo madaxweynaha Hirshabelle, balse wali waxaa la sugayaa madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Ammaanka magaalada Dhuusomareeb ayaa aad loo adkeeyay. Waxaa la filayaa shirka inuu dib u dhaco maalinta berito ah.
Waxaa magaalada si aad ah u buux dhaafiyay wafuud kala duwan oo intooda badan ka yimid magaalada Muqdisho, kuwaas oo u badan xildhibaano katirsan barlmaaanka Soomaaliya iyo siyaasiyiin.
Waxay sidoo kale magaaladu la ciirciiraysaa ciidamo iyo tikniko dagaal oo aad u badan ay magaalada lasoo galeen qaar kamid ah madaxweynayaasha.