4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 9 , 2020
Itoobiya oo Masar ku eedeysay in ay qeyb ka tahay xisillooni darrida waddankaas ka taagan
 

Khamiis, July 9, 2020 (HOL) - Wasiirka biyaha iyo tamarta dalka Itoobiya Seleshi Bekele ayaa waxa uu ku eedeeyay dalka Masar in gadaal uu ka taaganyahay xasaradaha ka taagan waddankaasi iyo degenaashiyo la’aanta ka jirtay maalmihii lasoo dhaafay ee ka dhashay dilkii loo geystay Fannaankii Oromada ahaa ee Hachalu Hundessa.

Labada dal ayaa ku muransan biya xireenka Itoobiya ay ka sameyneyso Wabiga Nile.

Mashuuraca dhismaha biya xereenkaasi ayaa walaac ku abuuray dowladaha Suudaan iyo Masar,  maadaama biyaha Nile-ka baluugga ah ay ku tiirsanyihiin shacabka waddamadaasi.

Qaramada midoobe ayaa madaxda waddamadaasi ugu baaqday in ay sameeyaan wada hadal seddex geesood ah oo lagu billaabayo wada-hadal sal u noqda in lagu biritaaro nabadda iyo xasilloonida Gobolka

Itoobiya ayaa horay u sheegtay in bishaan July  ay dib u billaabeyso dhimaha mashruucan muranka dhaliyay. Laakiin waxay dad badan is weydiinayaan hadalkan kasoo baxay wasiirkan ka tirsan dowladda Itoobiya ee dalka Masar ku eedeeyay deganaashiyo la’aanta waayadaan ka jirtan waddankaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]