4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, July 8 , 2020
Qaar kamid ah ciidamadii Haramcad oo Dhuusamareeb lagasoo qaaday
 

Arbaco, July 8, 2020 (HOL) - Ilo wareed lagu kalsoonaan karo oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa waxay HOL u sheegeen in diyaarad gaar ah ay halkaas kasoo qaadday Ciidamada booliska ah ee leh tababarrada qaaska ah ee Haramcad,  kadib markii la sheegay in qaar kamid ah madaxda maamul goboleedyada ay imaanshiyahooda ku xireen in marka hore ciidamadaasi laga qaado magaalada.

Madaxweynayaasha Jubaland iyo Puntalnd ayaa soo jeediyay in askarta Haramcad laga qaado Dhuusamareeb inta uu shirkaasi ka dhacaya halkaas.

Warkaan oo aan si rasmi ah warbaahinta loola wadaagin,  haddana dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa ku qasbanaatay fulinta soo jeedinta madaxda labadaas maamul {Puntalnd iyo Jubaland} , si shirkaas uusan u fashilmin.

Madaxweyne Qoor-qoor oo Galmudug hoggaamiya ayaa hadda u muuqda inuu ciyaarayo kaalin weyn oo Isu-soo dhoweyn ah,  si ugu yaraan loo helo aragti siyaasadeed oo lawada qaato, una dhexeysa dowladda dhexe iyo maamullada qeybta ka ah Fedaraalka.

Ciidamada Haramcad ayaa waxay dhowr jeer fuliyeen howl-gallo qorsheysan, waxaana suura-gal ah hoggaamiyayaasha qaar iney kala kulmaan carqalad ammaan,  maadaama uusan xiriir wanaagsan kala dhexeyn dowladda dhexe.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]