4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 7 , 2020
UNSOM oo soo dhoweysay kulanka madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ee ka dhacaya Dhuusomareeb
 

Talaado, July 7, 2020 (HOL) - Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa bayaan kooban uu soo saaray kusoo dhoweeyay kulanka qorsheysan ee Madaxda dowladaha xubnaha ka ah Dowlada Federaalka ee ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb.

kulankaan ayaa hordhac u ah shirweynaha soo socda ee Dowladda Federaalka iyo madaxda maamul goboleedyada Soomaaliya, iyadoo wadahadalkaas muhiimka ah looga hadlayo arrimaha mudnaanta leh oo ay ka mid yihiin doorashooyinka, amniga iyo dib u eegista Dastuurka.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM) ayaa horey ugu baaqay wadatashi ballaaran oo dhexmara hoggaamiyeyaasha siyaasadeed ee Soomaaliya, si ay u gaaraan heshiis ku saabsan mustaqbalka.

UNSOM iyo guud ahaan beesha caalamka waxay doonayaan in heshiis siyaasadeed la isla qaato kahor inta aan la gaarin go’aamada kama-dambeysta ah ee barlamaanka labadiisa aqal laga sugayo oo ku saabsan qabashada doorashooyin qaran.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]