4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, July 5 , 2020
Puntland oo sheegtay in heerkii ugu hooseeyay ay gaareen kiisaska covid19
 

Axad, July 5, 2020 (HOL) - Maamulka Puntland ayaa shaaciyay in heerkii ugu hooseeyay uu gaaray kiisaska Covid19, kadib markii 24 saac ee lasoo dhaafay baaritaan laga qaaday 11 qof dhammaantood laga waayay cudurka.

Wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay, in ay tahay markii ugu horeysay oo hal qof cudurka laga waayo tan iyo markii bishii Abril ee sannadkaan la howlgaliyay shaybaarka lagu baaro covid19.

Puntland, waxaa cudurka laga helay 334 qof, waxaa ka bogsaday 158 halka 8 qof u geeriyoodeen sida ku xusan xogtii ugu dambeysay ee lasoo saaray maanta.

Maalmihii lasoo dhaafay hoos u dhac ayaa ku yimid tirada dadka laga helayo cudurka gudaha Soomaaliya. Waxaa sidoo kale aad hoos ugu dhacay dhimashada cudurka.

Nolashii caadiga ahayd ee bulshada ayaa u muuqata mid sideedii kusoo laabanaysa kadib dhowr billood oo lagu jiray xaalad jahwareer oo uu dalku galay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]