4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2020
Wasiirkii beeraha Zimbabwe oo u geeriyooday Covid-19
 

Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Wasiirkii beeraha ee dalka Zimbabwe Perence Shiri ayaa u geeriyooday xanuunka Covid-19, sida lagasoo xigtay war uu soo saaray madaxweynaha waddankaas, oo sidoo kale shacabka u diray farriin tacsi ah gelinkii dembe ee Khamiista .

Wargeyska Dowladda ee Herald ayaa baahiyay hadalka madaxweynaha, iyadoo intaa lagu daray in xaaladda wasiirku ay liidatay, xanuunkana uu si adag ayuu ula fal-galay hab dhiskiisa neefsashada.

Maanta oo jimcaha ayaa meydka Mr Shiri la aasi doonaa , iyadoo la raacayo habkii talo bixinta hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO, sida uu mar kale sheegay madaxweyne Mnangagwa.

Wasiirka oo 65 jir ahaa ayaa ku geeriyooday Cusbitaal gaar loo leeyahay oo ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Harare.

Wararka sidoo kale laga helayo waaxda adeegga caafimaadka ee Zimbabwe ayaa sheegaya in darawalka wasiirka geeriyooday uu hadda ku jiro xaalad kabasho ah, kadib markii uu isagana qaaday xanuunka Coronavirus.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]