4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 31, 2020
Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digay in la fashiliyo shirka loo ballansanyahay ee Dhuusamareeb
 

Jimco, Luulyo 31, 2020 (HOL) - Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo ka hadlay xaaladda siyaasadda ee Soomaaliya ayaa waxa uu ka digay in la baajiyo shirka 15-ka Agoosto oo loo madlanyahay inuu  ka qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda maamulka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya hadda ay ku jirto xaalad kala guur ah, loona baahanyahay in laga fekero inuusan shirkaasi baaqan. Isagoo tilmaamay in madaxda sare ee dalka , gaar ahaan madaxtooyada uu ka muuqanayo cagajiid ballaaran.

“Shirka Dhuusamareeb waa muhiim., dalkaanna si loo samata-bixiyo wuxuu u baahanyahay waa laba jid, mid wuxuu ku dhamaadaa Dhuusamareeb in mar kale la tago, kaas oo dhammaan Soomaalida iyo beesha Caalamka ay soo dhoweysay, midna wuxuu ku dhammaadaa aragtida taalla Villa Somalia oo ah muddo kororsi iyo inuu shirkaasi fashilmo” ayuu Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame u sheegay warbaahinta .

Wasiirkii hore ee qorsheynta ee dowladdii KMG aheyd ee Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ugu dembeyn maamulka Galmudug iyo shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in shirkaasi sidii loogu ballansanaa looga shaqeeyo, si  xal loogu helo arrimaha doorashooyinka qaranka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]