4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2020
Soomaaliya oo dib u fasaxeysa duullimaadyadii caalamiga ahaa
 

Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Wasaaradda gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in 3-da, bisha August la furayo dhammaan duullimaadyadii caalamiga ahaa ee Soomaaliya , oo horay loo xayiray 19-kii, Maarso, ee sanadkan 2020-ka.

Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo duulimaadka hawada dalka Maxamed Cabdullaahi Salaad “Oomaar” ayaa warbaahinta u sheegay in diyaaradihii dibadda ee la joojiyay uu waddanka ku yeeshay saameyn xooggan oo dhaqaale.

Xanibaadda duulimaadyada Soomaaliya ayaa la xiriirtay xakameynta xanuunka Covid-19.

Warka wasaaradda kasoo baxay ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay in meel kamid ah garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho loo diyaariyay, hubinta dadka waddanka kusoo laabanaya si looga taxadaro in bukaanno sida Coronavirus ay si fudud u gudbaan.

Duullimaadyada caalamiga ah ee soo gaara dalka iyo kuwa ka dhoofa ayaa waxay Soomaaliya u yihiin il dhaqaale oo xooggan , balse dhowr bilood hakad ku jirtay.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]