4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2020
Guddiga gurmadka Fatahaadaha Baledweyne oo bilaabay dadaalo looga hortagayo Fatahaada Wabiga Shabelle


Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Guddiga gurmadka Fatahaadadaha Baledweyne ayaa bilaabay wajiga koowaad ee dadaalada looga hortagayo fatahaad ku dhufata xaafadaha Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Guddigaan ayaa maanta Carro tuur balaaran ka sameyay Tuulada Hilikilyo oo dhicana waqooyi kaga beegan baledweyne, halkaas oo ah meelaha ugu horeeya ee wabiga Shabelle karkaarada uu ka jabsado.

Guddoomiyaha guddiga gurmadka  Fatahaadaha  Baledweyne, Xaaji Cismaan Dhagaxoow oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay iney waddaan dadaalo xoogan oo ay ku doonayaan sidii ay ku baajin lahayeen fatahaad markale barakicisa dadka ku dhaqan xaafadaha Baledweyne waxuuna uga baaqay shacabka iney is dajiyaan oo ay kala shaqeyaan dadaalada looga hortagayo la tacaalista fataahada wabiga Shabelle.

Ugu dambeyntii howlahan Carra tuurka ay maanta bilaabeen guddiga gurmadka iyo la tacaalista ka hortaga fatahaadaha baledweyne ayaa kusoo beegmeysa, xili wabiga shabelle biyaha uu wado ay yihiin kuwa heerkii ugu sareyay maraya taas oo walwal iyo walaac xoogan ku abuurtay shacabka reer baledweyne in markale fatahaad ka barakiciso aqaladooda.

Hiiraan Online News Disk