4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, July 30, 2020
Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle
 

Khamiis, Luulyo 30, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxa uu maanta kulan la qaatay xubno kamid ah xildhibaannada Baarlamanka dalka iyo sidoo kale Guddoomiyaha Golaha wakiillada Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed .

Kulanka oo aan laga haayn faah-faahin dheeraad ah ayaa waxa uu Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed uu sheegay in looga hadlay arrimo xiriir la leh maamulkaas, si gaar ah Fataahadaha soo laalaabtay iyo guud ahaan xaaladda dowlad goboleedkaas.

“Madaxweyne Farmaajo waxaan ka wada hadalnay arimaha guud ee siyaasadda dalka, xaaladda Hirshabeelle sida fatahaadaha iyo arrimo kale “ ayuu yiri Cismaan Barre oo diiddanaa inuu sii bixiyo faah-faahin kale.

Dhinaca kale Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ah mudanayaasha Baarlamanka aqalka hoose ee Soomaaliya ayaa waxa uu dhiniciisa sheegay in kulanka uu ahaa mid miisaan weyn leh, oo muhiim u ahaa Hirshabeelle.

Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Cisman Barre maanta ku dhex-maray madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxa uu imaanayaa xilli si aad ah isha loogu hayo shakhsiga uu xilka ra’iisul wasaaraha u magacaabay madaxweynaha dalka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]