4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 3 , 2020
Wafdi ka socda Kenya iyo madaxweynaha Somaliland oo Hargeysa ku kulmay
 

Jimco, July 3, 2020 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu madaxtooyada ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Kenya oo muddo laba maalin ah ku sugnaa magaalada Hargeysa sida ilo ku dhow ay u sheegeen HOL.

Wafdigaan oo isugu jira mudanayaal Baarlamaan , siyaasiyiin iyo maalgashadayaal ayaa waxaa hoggaaminaya xildhibaanka Jineyd Maxamed oo laga soo doorto bariga Sunna ee dalka Kenya .

Labada dhinac ayaa intii uu kulanka socday waxay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac, maal-gashiga , ganacsiga iyo wada-shaqeynta sida HOL ay u xaqiijiyeen xubnihii ku dhowaa madaxtooyada Somaliland ee nala hadlay.

Wafdigaan ayaa daba socda wafuud dhowr ah oo ay horay Somaliland ugu dirtay Kenya , xukuumadda Nairobi illaa iyo hadda ma jiraan xog ka timid  dhinacooda oo lagu faah-faahinayo socdaalka wafdigaas.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]