4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, July 28, 2020
Baarlamanka Puntland oo dib u eegis ku sameynaya heshiiskii lala galay shirkadda DP World
 

Talaado, Luulyo 28, 2020 (HOL) - Kulan ay maanta yeesheen Baarlamanka Puntland ee Waqooyi bari Soomaaliya ayaa waxay uga hadleen arrimaha xudduudaha Dowlad Goboleedkaas, gaar ahaan Sool iyo Sanaag. Waxaana sidoo kale fadhigii maanta ay ku go'aaminyeen in ajendayaasha lagu daro la xisaabtanka golaha wasiirrada maamulkaas.

Fadhiga ay yeesheen Golaha wakiillada dowlad Goboleedka Puntland oo ahaa kii 27-aad oo ka tirsan Kalfadhigii 46-aad ee Baarlamanka, waxaa sidoo kale ajendaha doodad lagu daray in dib u eegis lagu sameeyo heshiiskii Puntalnd ay la gashay hay’adda dakadaha Dubai ee DP World  .

Ajandaha la xiriira dib u eegista heshiiska shirkadda DP World , ayaa waxa uu noqon doonaa kulanka berri uu yeelan doono Baarlamanka Puntland.

Dowlad Goboleedka Puntalnd ayaa waxay heshiis dhinaca dakadda Boosaaso ah horay ula gashay shirkadda DP World, taas uu horay loo amray iney isaga baxdo Soomaaliya, hase-ahaatee shirkaddan ayaa hadda ka shaqeysa Puntland iyo Somaliland.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]