Isniin, Luulyo 27, 2020 (HOL) - Ku dhowaad 24 saac oo uu hawada ka maqnaa Internet-ka bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya oo ay ku jirto Caasimadda Muqdisho ayaa lagu guuleystay in dib loo soo celiyo.
Internet-ka ayaa u maqnaa cilad farsamo xaggeeda ah, sida mas'uuliyiin ka tirsan wasaaradda is-gaarsiinta iyo teknoolajiyada ay HOL u xaqiijiyeen.
Ciladda ayaa aheyd dhibaato gaartay Cable-ka badda yaalla ee Internet-ka koonfurta Soomaaliya siiya, sida uu sheegay wasiirka wasaaradda is-gaarsiinta Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur.
Dhinaca kale, wuxuu sheegay iney jiraan qorshaha dhowr Cable oo kale oo xoojin doona halka Cable ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Maqnaashiyaha Internet-ka koonfurta Soomaaliya ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay dhaqaalaha iyo wax-barashada dalka.
Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
Barrow@hiiraan.com