Midowga Yurub oo sharci-darro weyn ku tilmaamay nidaamkii loo maray kalsooni kala-noqoshadii Ra'iisul wasaare Khayre

Axad, Luulyo 26, 2020 (HOL) - Midowga Yurub ayaa sharci-darro ku tilmaamay nidaamkii loo maray kalsooni kala-noqoshadii xukuumadddi Ra'iisul wasaare Xassan Cali Khayre, sidoo kale waxa ay sheegeen in xilliga lagu soo beegay ay dabar-jab weyn ku tahay wada-hadalladii Dawladda Federaalka iyo Maamul-goboleedyada ee wajigoodii 3-aad e loo ballansanaa 15-ka August 2020.
Bayaan kasoo baxay midowga Yurub ayaa lagu yidhi,” Nasiib darro, go’aankii kasoo baxay Golaha Shacabka Sabtidii waxay muujinayaan dib u dhaca Soomaaliya iyo kalsoonida Midowga Yurub ee horumarka Soomaaliya. Qawaaniinta loogu gudbiyey mooshinka kalsooni kala-noqoshada ah ee golaha wasiirrada ma buuxin shuruudaha dastuurka.
Midowga Yurub wuxuu si taxaddar leh u eegi doonaa sida ay dhacdooyinkan u soo gudbeen, cidda mas'uuliyadda qaadaysa iyo dib u dhaca uu ugeysanayso Soomaaliya horumarkeeda iyo dadaalka saaxiibbadeeda caalamiga ah.
Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
abdiwali.sheikh@hiiraan.com