4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 25, 2020
Xasan Cali Kheyre “ Anigoo og’ wixii dhacay maanta iney sharci darro tahay, waxaan iska casilay xilkii aan umadda u hayay”
 

Sabti, Luulyo 25, 2020 (HOL) - Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta mudanayaasha aqalka hoose ee Baarlamanka ay xukuumaddiisa kala laabteen kalsoonida ayaa waxa uu caawa ka hadlay arrintaas, waxa uuna ugu horreyn sheegay in wixii maanta ka dhacay Golaha shacabka ay ahaayeen wax baal marsan sharciga dalka, balse isagoo u turaya shacabka uu xilka iska casilay.

“Anigoo og in wixii maanta dhacay ay baal marsanaayeen sharciga, anogoo og in hidsaha uusan ku jirin, waxaan u turayaa dalka, waxaana iska casilay xilkii aan hayay” ayuu yiri ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal qaaday waxyaabihii xukuumaddiisa u qabsoomay intuu uu xafiiska joogay, waxa uuna sheegay iney si wanaagsan uga shaqeeyeen arrimaha dib u habeynta ciidamada qaranka, bixinta mushaaraadka dowladda iyo in xukuumaddiisa sharciyadii ugu badnaa ay geysay Baarlamanka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo aad loo sugayay hadalkiisa, ayaa waxa uu dhinaca kale sheegay in intii uu xafiiska joogay uu ku dadaalay, ka shaqeynta nidaamka maaliyadda ee dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in laga gaaray guulo waaweyn. Ugu dembeyn wuxuu mahad-celin ballaaran usoo jeediyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo uga mahad-celiyay wada shaqeyntii dhex-martay iyo ugu horreyn inuu xilkaas u gartay .

Ugu dembeyn waxa uu bulshada Soomaaliyeed u rajeeyay guul, waxa uuna ka codsaday iney cafiyaan.

Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu ahaa ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa Soomaaliya wixii ka dembeeyay dowladihii dalka soo maray bur-burkii kadib.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]