4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 25, 2020
Madasha xisbiyada qaran oo sharci darro ku tilmaamtay riditaankii raysal wasaare Kheyre
 

Sabti, Luulyo 25, 2020 (HOL) - Madasha xisbiyada qaran ee mucaaradka ayaa kalsooni kala noqashadii raysal wasaare Xasan Cali Kheyre ku tilmaamay mid lagu carqaladaynayo laguna burburinayo go’aanadii kasoo baxay shirkii Dhuusomareeb.

Bayaan kasoo baxay madasha ayaa lagu sheegay in madashu ay ka xun tahay in waqtigaan oo lagu jiro xilli kala-guur siyaasadeed uu barlamaanku qaato go’aan nuucaan ah, waxayna arrintaan masuuliyadeeda ku eedeeyeen inuu ka dambeeyo madaxweyne Farmaajo.

Madashu waxay sheegtay ujeedada laga leeyahay inay tahay sidii madaxweyne Farmaajo u sameysan lahaa muddo kororsi.  

Halkaan hoose ka aqriso bayaanka



Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]