4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 25, 2020
Wasiir Islow “ Wixii Baarlamanka ka dhacay waxay ahaayeen wax aan sharci aheyn”
 

Sabti, Luulyo 25, 2020 (HOL) - Wasiirka wasaaradda ammaanka ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa waxa uu ka hadlay go’aankii Baarlamanka aqalka hoose ee Soomaaliya ee uu dhowaan ku dhawaaqay Guddoomiye Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan . waxa uuna sheegay in xildhibaanno doonayay muddo korarsi ay carqaladeeyeen kulankii maanta ee goloaha shacabka.

Islow ayaa tilmaamay in xilligaan aan loo baahneyn in Baarlamanka lagu mashquuliyo rididda xukuumadda iyo dhismaha mid kale, balse loo baahanyahay in lagu mashquulo sidii looga shaqeyn lahaa doorashada Soomaaliya.

Wasiirka ammaanka dalka ayaa si adag uga hor yimid in xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyre xilka laga qaaday, waxana uu ku qeexay falkii maanta mid qaanuunka ka baxsan.

Ugu dembeyn waxa uu ugu baaqay cid walba iney ka shaqeyso sidii dalka looga hir-gelin lahaa doorasho qof iyo cod ah.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]