4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, July 25, 2020
Madaxii Astaan Cable Cabdimanaan Yuusuf oo muddo isbuuc ah ku xeran Hargeysa
 

Sabti, Luulyo 25, 2020 (HOL) - Madaxii shirkadda Astaan Cable Abdimanan Yuusuf ayaa waxa uu magaalada Hargeysa ku xeranyahay muddo ka badan hal Isbuuc. Lamana oga halka lagu hayo sida lagasoo xigtay masu’uuliyiinta hay’adda warbaahineed ee uu madaxda ka yahay.

Cabdimanaan ayaa waxaa la xeray 17-dii, July sida ay sheegeen mas’uu;iyiinta shirkadda, waxaana loo diiday iney arkaan xubno kamid ah qoyskiisa iyo qareennadii difaaci lahaa.

 Ma cadda illaa iyo hadda waxyaabaha loo xeray iyo eedda loo haaysto toona.

Madaxa suxufiyiinta Somaliland Maxamuud Cabdi Jaamac ayaa waxa uu Somaliland ugu baaqay iney Cabdimanan Yuusuf u ogolaadaan xuquuqda uu dastuurka siiyay qof walba in loo ogolaado iney arkaan qareennadiisa.

Mr. Jaamac ayaa ku dooday in Cabdimanan uu yahay milkiilaha xarun warbaahineed, sidoo kalana uu yahay maal-geliye shaqo abuur sameeyay.

Astaan ayaa waxay tahay xarun warbaahineed oo ka howl-gasha Soomaaliya waxayna si gaar ah usii daysaa barnaamijyo ku saabsan cayaaraha , maaweelada iyo fanka.

Abdiaziz Ahmed Barrow, Hiiraan Online
[email protected]