4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, July 24, 2020
Beesha caalamka oo soo dhoweysay go'aanadii kasoo baxay shirkii Dhuusomareeb
 

Jimco, Luulyo 24, 2020 (HOL) - Warsaxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka ayaa lagusoo dhoweeyay kulankii madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo dowladdaha Xubnaha ka ah ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb, iyagoo sheegay inuu yahay dib u billaabashadii aadka looga dhursugayay ee wadashaqeyn wax ku ool ah oo dhexmarta madaxda DFS iyo DXF.

Beesha caalamka waxay kaloo soo dhoweysay go’aanka ay madaxdu ku gaareen inay magacaabaan guddi farsamo oo ka soo shaqeeya hanaanka doorashooyinka qaran ee 2020. Balse, waxay carrabka ku adkeeyeen sida ay laga maarmaanka u tahay in geeddi socodka doorashadu uu dalka ka saaro hanaanka soo xulidda, kuna hago waddo lagu gaaro doorashooin toos ah, sida uu xeerinayo Dastuurka Federaalka Ku Meelgaarka ah.

"Saaxiibada beesha caalamku waxay ugu baaqayaan dhammaan saamilleyda Soomaaliyeed inay si degdeg ah u sii wadaan dadaalladooda si loo gaaro ujeeddooyinkan, dalkana lagu hayo wadiiqo siyaasadeed oo xasilloon, oo ay ku jirto danta dadka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yidhi warkan.

Waxay sidoo kale madaxda Soomaaliyeed ku boorriyeen inay ku heshiiyaan qorshe lagu hirgeliyo dhinacyada kale ee dib u habaynta dimuqraadiyadeed ee Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin Dib u eegidda Dastuurka, yagleelidda dimuqraadiyad xisbiyo badan leh iyo abuuridda Guddiga Adeegga Garsoorka oo shaqeeya, Guddiga Xuquuqul Insaanka, iyo Maxkamadda Dastuuriga.

Waxay sidoo kale hoosta ka xarriiqeen baahida loo qabo in la xaqiijyo in murashaxiinta, xisbiyada, haweenka, dhallinyarada, beelaha laga tirada badan yahay iyo warbaahinta dalkoo dhan ay u hadli karaan si xor ah, gaar ahaan inta lagu gudajiro xilliga doorashada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]